Inta lagu jiro waqtigaan, waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in la fahmo sida caafimaadka, fayo qabka, nolosha qoyska ee uurka iyo sannadka koowaad ee nolosha, waxay saameyn kartaa caafimaadka mustaqbalka iyo fato qabka carruurteena. Warbixintaan waxay nagu caawin kartaa aqoonsashada waxa la sameyn karo si loo taageero qoysaska. Waxaan jeclaan laheyn inaan ku weydiiyo haddii aad rabtid inaad buuxisid foomka su’aalaha gaaban si aad wax nooga sheegtid nafsadaada. Shaqadaan waa fiirin hormarka carruurta, iyo sidaas inaanan laguu soo dirin su’aalaha foomka oo badan, waxaan jeclaan laheyn inaan ku weydiino haddii aan ku xiriirin karno caafimaadka, waxbarashada iyo xogta kaloo si joogta ah loo aruuriyay ee adiga iyo canugaaga. Warbixintaan waa qarsoodi nooma suurtogaleyso inaan ku aqoonsano adiga ama canugaaga laakin waxay noo ogolaaneysaa inaan eegno sida caafimaadka uurka (tusaale ahaan cabirka dhalashada) waxay saameysaa sida carruurta diyaarka ugu yihiin dugsiga, iyo sidaas darteed waxay ka caawisaa inay na ogeysiiso waxqabadyada taageeri karo carruurta soo galeyso dugsiga. Haddii AADAN jecleyn inaan isticmaalno diiwaanadaada qarsoodiga jiray uma baahnid inaad wax dheer ah aqrisid. Si kastaba, haddii aad jeclaan laheyd inaad wax badan ka ogaatid warbixinta hoose.
Xaanshida Warbixinta (Nooca 2.0, Taariiqda 03/06/2020)
Sadarka Casuumaada: Waxaa lagaa casuumay inaad ka qeybqaadatid daraasada inaad fiirineysid waxa looga baahanyahay in lagu taageero qoysaska carruurta yar haysto.
1.Waa maxay ujeedada daraasad?
Xogta aan aruurino waxay nagu caawineysaa inaan si wanaagsan u fahamno caafimaadka hadeer iyo fayo qabka qoysaska oo ay ogeysiio adeegyada iyo taageerada waxa looga baahanyahay in lagu ogeysiiyo in lagu joogteeyo qoys caafimaadan oo taageero caafimaadka canuga iyo waxbarashada.
2.Maxaa aniga la ii doortay?
Waxaan kuu weydiisaneynaa inaad ka qeybqaadatid sababtoo ah adiga ama lamaanahaaga waxaad dhawaan heleysaan ilmo. Caafimaadka uurka aad ayuu muhiim ugu yahay mustaqbalka caafimaadka ilmaha iyo waaladiinta iyo sidaas darteed uurka waa waqtiga ugu wanaagsan ee la bilow baaritaanka caawin karo qoysaska inay caafimaad ahaadaan. Haddii aad u baahantahay warbixin kaloo badan ee ku saabsan daraasada, kadib fadlan la xiriir xubin walba ee kooxda oo sharaxaadaha oo dhammaadka xaanshida warbixinta.
3.Maxaa dhacayo haddii aan ka qeybqaato?
Waxaan ku weydiineynaa inaad buuxisid foomka su’aalaha onleenka ee ku saabsan caafimaadkaaga, fayo qabka iyo hab nololeedka, kaas oo qaadanayo 20 daqiiqo. Foomka su’aalaha waxaa lagu buuxiyaa onleenka marka isticmaalida taleefonkaaga, tabletka, ama kumbuyuutarka. Waxaan ku weydiisan karnaa haddii aad nagu raaceysid inaad ku celisid foomka su’aalaha markale oo gudaha 12 bilood si aan u eegno isbadelada caafimaadka iyo fayo qabka.
Waxaan sidoo kale ku weydiineynaa warbixin lagu isticmaalo ku xirida diiwaanadaada caafimaad. Tani waxay la micna tahay in magacaaga lagu badelayo lambar oo la gelinayo goobta xogta qarsoodiga. Tani waxaa sameeyaa xisbi sadexaad oo la aaminsanyahay: Adeega Warbixinta NHS Wales. Markii ay ku jiraa goobta xogta qarsoodiga ah, tirooyinka laguma dabageli karo magacaaga. Goobtaan xogta waxaa loo isticmaali karaa in lagu xiro diiwaanada kale sida diiwaanada caafimaadka (tusaale ahaan GP iyo diiwaanada caafimaadka). Laguma aqoonsan karo inta lagu jiro nidaamkaan iyo dhammaan xogta ku xiriirsan waxaa kaliya oo fiirin karaa kooxyada (tusaale ahaan, haddii koox firfircooneyd ay leedahay caafimaad wanaagsan marka la barbardhigo kooxda aanan aheyn). Sahanka waxaa ku jirayo foomka su’aalaha ee ku saabsan shaqadaada, waaya aragnimadaada ee adeegyada aad heshay, caafimaadkaaga gaarka ah iyo fayo qabka iyo taariiqda warbixinta kale (tusaale ahaan, qowmiyada).
Sababta aan u weydiinay ku xiriirinta diiwaanadaada caafimaadka waa si markaas aan u baarno saameynta ay ku leedahay xaaladaha sida neefta ama suuxdinta qoysaska ka bilow uurka illaa sannooyinka hore iyo dhaafsan. Tani waxay nagu caawineysaa inaan ogeysiino adeegyada, sida dugsiyada, bixiyayaasha daryeelka caafimaadka sida taageeradee iyo caawinta aadka loogu baahanyahay oo aadka waxtar u ah.
4.Waa maxay faa’idooyinka suurtogalka ah ee ka qeybqaadashada?
Foomka su’aalaha wuxuu ku weydiin karaa su’aalo ku walaac geliyo. Tusaale ahaan, waxaan wax kaa weydiinay wax ku saabsan aastaamaha COVID19 sida aan rabno inaan u fiirino saameynta muddada dheer ee kula kulmida uurka aastaamaha COVID. Si kastaba, tani waxay ku xasuusin kartaa oo aad ka walaacdaa saameynada. Waxaan ku darnay sharaxaadaha xiriirka ee meelaha aad u aadi kartid caawin iyo tallo.
Aad muhiim u ah, shaqadaan waxaa loogu tallogalay cilmi baaris kaliya. Lama xiriireyno bixiyaha daryeelka caafimaadkaaga ama uma gudbino wax warbixin ah dadka kale. Haddii aadan u baahneyn inaad aragtid xirfadlayaal caafimaad uma gudbino aqbaarahaaga marka noo sheegisteena MA sababeyso gudbinta adeegyada taqasuska. Shaqadeena waa qarsoodi iyo marka uma ogolaan karno dadka kale inay ogaadaan haddii aad shaqsi ahaan caawin iyo tallo u baahantahay. Haddii aad u baahantahay inaad la hadashid shaqaalaha daryeelka caafimaadka, waxaan ku siin karnaa xiriirada laakin kuuma gudbino bixiye kaloo caafimaad.
5.Waa maxay faa’idooyinka suurtogalka ah ee ka qeybqaadashada?
Ka qeybqaadashada daraasadaan waxay caawin kartaa sare u qaadida fahamkeena ee waxa looga baahanyahay in lagu taageero qoysaska inay caafimaad ahaadaan. Ka qeybqaadashada, waxaad ku caawineysaa sare u qaadida fahamkeena ee saameynta ay ugu yeelatay qaabka aan ugu noolnahay nolosha maanta caafimaadkeena iyo farxada oo ay nagu caawiso hormarinta iyo taageerida qoysaska markii ay u baahanyihiin.
6.Miyay ka qeybqaadashadeyda daraasada lagu hayn karaa qarsoodi?
Dhammaan xogta aan aruurinay waxaa lagu haynayaa si gaar ah oo qarsoodi ah; magacaaga waxaa lagu badelayaa lambaro. Koobiyada warqad walba ee xogta waxaa lagu haynayaa xafiis illaalsan iyo feelasha kumbuyuutarka iyo warbixin walboo gaar ah waxay ku illaalsanaaneysaa baaswuudh oo waxaa lagu haynayaa si ka gooniyeysan warbixintaada foomka su’aalaha si markaas aanan laguu aqoonsan. Xogta la helay waxaa kaliya oo fiirinayo shaqsiyaad loo ansixiyay oo kooxda cilmi baarista. Xogta aad noo sheegtay waxaa la haynayaa ugu yaraan 18 sanno sida aan u baareyno sida carruurta u koraan oo u hormaraan illaa qaangaarka.
7.Ka waran haddii aan su’aalo qabo?
Haddii aad qabtid wax su’aalo ah ee ku saabsan daraasada fadlan haka caajisin inaad la soo xiriirtid qof walba ee kooxda cilmi baarista ah (fiiri sharaxaadaha xiriirka hoose).
Haddii daraasada kadib aad ka walaacsantahay wax ku saabsan sida filasha walba ee cilmi baarista loo sameeyay fadlan kala xiriir Guddoonka Dugsiga ee Gollaha Anshaxa Daawada: sumsresc@swansea.ac.uk
Xiriirka: Charlotte Todd c.e.todd@swansea.ac.uk , Sinead Brophy s.brophy@swansea.ac.uk
Fadlan riix halkaan si aad ugu laabatid bogga sahanka